GUUR AANKA LA'AADO (GABAY)

Aw Yuusuf Bare

Guduud looma raacoo haween gobolba waa cayne
Bidhaan gabi ka laa laada waa lagu gulaalmaaye
Isugaadhay gabadhaa tidhaa meel uun baa go'ane
Gaboodleeyda Gaashadu ku taal labada goonyoodba
ee maradu gangayman tahay guur aan ka la'aado
Gambar lagu fadhiistiyo midaan gaadha fidinaynin
Ganuunka iyo xaadhada midaan goor laba dhiibin
Garcadaayadii reer tolkay taan u gogol haynin
Een geedka laga naadinayn guur aan ka la'aado
Gaadh gaadhka awrtiyo nirgaha geela laga reebay
Gurijooga xoolaha midaan goosanka u diidin
Een garanin soo dheelan ee guriga uun joogta
Gudbantaan halkayguba galayn guur aan ka la'aado
Gool boodadii laga samray ee goysay ubadkeeda
Intay dhiig iisoo galin lahayd guur aan ka la'aado
Geediga hayaanka ah midaan gaadhin waligeedba
ee gabanta loo sido sidii goodir noo curatay
Waa geeri naagtaan ritiga kuu gadhqabanayne
Reerkoo gawaan dagay dadkoo gibiladii waabtay
Anoo galangalciyo oon la go'an furayna gaadiidka
Geedaha hadii lala dhexgalo godimo oodeeda
Galoon badhaxa uma dhaamin karo giiritadan jaane
Guul iyo cidlay igu wadaa gooh aan yuururo e
Gosha laga cabsoon iyo xidhkay gooshu ka adeegi
Gaadiyo intay bahal isiin guur aan ka la'aado
Midda gaaban ee garabka iyo giirku wada joogo
Oo socodka uma gaatisee giririf laynaysa
Ee gura ma laacdee ritiga juu ku ganac goysa
Jambal gibina Guur aan ka la'aado
Carmaltii hortay guursatay ee geedo soo shidatay
Oo iga gu wayn oo taqaan gaadmo iyo dhuudmo
Waxay gogosha ii saxartirtooy ila xidh gaysaaba
Dhawr habeen kolkii lala golyo ee gaax la kala maalo
Gadaal bay lasoo bixi dabaro hore ugu gaaraaye
Intay galab i aynabi lahayd guur aan ka la'aado
Midaan cawska soo guran aqoon garab ku boodhleeyda
Gal galin jiifta bacadka uun gal galan gu' iyo jiilaalba
Ee golaha qoyskiyo minkaba leexadu is goysay
Ee giiryar baa cunay i oran guur aan ka la'aado
Galbashada dharaartii midaan gaadhka iga eegin
Een garanin goortii wakhtiga aanan gafayn reerka
Een guurahaygii milshiyin aar gudaan ahaye
Anoo luga gor goray taagnidii gogosha oo laaban
Intaan ciil la gaw odhan lahaa guur aan ka la'aado
Galloolka iyo cawskay barkood guna ka gooyaane
Garba duubantaan lagu dayayn lage inay laabto
Waxay hooyadeed garab dagtoo la i gar gaaraaba
Mar hadaan ka guuro oo ay biidna garan waydo
Gabbood kobaan lahayn kuma gam ee guur aan ka la'aado
Dumaal gaban leh gaayaalus leey waa mas geed galaye
Hadaan wiilka guul guulo way igu guhaadoone
Waa gool dhashii haysatee guur aan ka la'aado
Gabdhohoo ciyaar tumay ragoo yara dulgoocaaca
Golostay u jeedeen markay guruca soo saarto
Waxay guuntu wada boodo oo ciyaar daba gablaysaaba
Goobtii midii lagula hadhay geedka dhiniciisa
Garacleeyda geelada irmaan guur aan ka la'aado
Talaabada midaan gaw kasiin goor ay soconayso
Oon gola baxaynoon xarago gacanta saydhaynin
Een dumarka gaasirin gidigi guur aan ka la'aado
Alahayoow gaaridii loo xishiyo gabadha loo aayo
Raaliyo garaadbadan midaan iga guhaadaynin
Adaan Cagacata kuu hoorsadee hay gafsiin caawa

waxaa diyaariyay; Mahad. M. Abdi (Vancouver) Guur aan ka la'aado 2 Cabdiqadir Xirsi Yam Yam

You are the visitor